
Ibraahimiyadda
Siyaasada & Diinta Cusub ee Qarnigan
Abrahamism: The Politics and the New Religion of This Century
Buuggan Ibraahiimiyadda: Siyaasadda iyo Diinta Cusub ee Qarnigan wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa waxa maanta loo yaqaan "Ibraahiimiyadda" iyo sida loogu adeegsanayo mashruuc diimeed oo cusub iyo mid siyaasadeedba. Wuxuu iftiiminayaa xiriirka ka dhexeeya wada-hadallada diimaha iyo heshiisyada siyaasadeed.
Buuggu wuxuu sidoo kale daaha ka rogayaa ujeeddooyinka ka dambeeya heshiisyada loo yaqaan Abrahamic Accords, kuwaas oo asal ahaan loogu talagalay in si gardarro ah gacanta loogu galiyo Yuhuudda dhulka Falastiin iyo muqaddasaadka Muslimiinta.
Looh Press · 2026 · 156 pages. New in 2026


















